Dhageyso: Gudoomiyaha Gudiga Farsamada Dhisida K/G Oo Shaaciyay in Odeyaasha Dhaqanka loo gudbiyay Nidaamka wax qeybsiga.

0
0

Gudoomiyaha Gudiga Farsamada ee dhisadda Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Fiqi ayaa Shaaciyay in Odeyaasha Dhaqanka ay u gudbiyeen Nidaamka wax qeybsiga.

Sidoo kale Maxamed Xasan Fiqi waxa uu sheegay in la dhameestiray Dastuurka koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelada hoose.

Odeyaasha Dhaqanka ayaa looga fadhiyaa in Mudo Sedex Maalmood gudahood ah ay kusoo dhameestiraan Ergadada Mateleysa Beelaha dega Sedex-da Gobol.

Waxaana maalmaha soo socdo la filayaa in lagu dhawaaqo Masuuliyintii hogaamin laheyd Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

fiqi

Idale News Online, Baydhabo