Dhageyso: Faroole Oo Fashilay Musharax Hal Milyan Ku Bixiyay Hal Kursi

0
170

Garowe(INO)- Madaxweynihii hore oo Puntland C/rixmaan Sheikh Maxamed Faroole oo kamid ah xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Somaliya ayaa sheegay in musuq maasuq baahsan uu ku jiro gudaha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka hadlayay abaaraha ka jira Puntland oo aan sidii la rabay loogu gurman ,isla markaana ay jiraan siyaasiyiin lacago badan ku qarash gareeyay doorashadii aqalka hoose ee lagu qabtay magaalalda Garowe.

Waxaa uu sheegay Faroole in rag lacago badan wata ay doorashada ku soo baxeen,waxaa uu tilmaamay in musharax kamid ah musharaxiintii la doortay uu bixiyya lacag dhan hal milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Halkan Ka Dhageyso