Dhageyso: Dowladda Itoobiya Oo U Yeertey Hogaamiyaha Maamulka Jubba

0
183

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”  ayaa maanta ka dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, isaga oo u ambabaxay dalka Ethiopia.

Axmed Madoobe ayaa sii mari doona Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadibna wuxuu u sii gudbi doona Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxda dalka Ethiopia ayuu kula kulmi doonaa Magaalada Addis Ababa oo ay kawada hadli doonaan arimaha ammaanka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Maamulka Jubba iyo Xukuumadda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia ayuu kulan gaar ah la qaadan doonaa Hogaamiyaha Maamulka Jubba, inkastoo aan si dhab ah loo ogaan karin waxyaabaha qorshaha uu yahay inay ka wada hadlaan labada dhinac.

Dhawaan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaa tagay Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xurguf ay kala dhaxeysay Maamulka Jubba, taasi oo ku aadan qaabkii loo soo xulay Xildhibaanada Maamulkaasi.

Xukuumadda Ethiopia ayaa saameyn ku leh siyaasada dalka Somalia, gaar ahaan Maamul Gobolleedyada dalka ka dhisan oo siyaabooyin kala duwan xiriiro ay u la leedahay.

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa dhowr mar safaro ku tagay dalka Ethiopia oo ka mid ah meelaha Maamulkiisa uu taageerada ka helo.

Halkan Ka Dhageyso.

12345678Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here