Dhageyso: Dowlada KG oo ka Digay In Maamul Kale Loo Dhiso Degaano ka Tirsan Gobalka Bakool

0
187

Baydhabo(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si weyn uga hor yimidey Qorshe la doonayo in Maamul loogu sameeyo qaar ka mid ah Degmooyinka dhaca Waqooyiga Gobolka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed ka tirsan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacy-galinta Bulshada Ee Dowlada Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed oo  hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Dowlada  Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan Aqbali doonin Maamul kale oo ka madax banaan  Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana laga dhiso degaano ka tirsan Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xasan Cabdi Maxamed ayaa Xusay in Degaanada ay ka mid yihiin Aato,Ceel-barde iyo Yeed ay ku sugan yihiin Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiin qaab qabiil isku Abaabulay oo u jeedkoodu yahay in ay Dadka Shacabka ah marin habaabiyan.

Ugu dambeyntii, Degaanada qaar ee dhaca Waqooyiga Gobolka Bakool ayaa waxaa ka socda Qorshe Maamul ka madax banaan  Koofur Galbeed lagu sameynayo .

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here