Dhageyso: Ciidanka Koonfur Galbeed Somalia oo Fariin Loo Diray

0
152

Xudur(INO)-0Madaxweynaha  Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ku amray iney dib usoo celiyaan degmooyinkii ay Al-Shabaab dib u qabsadeen.

Waxa uu sheegay in uusan aqbali doonin in Al-Shabaab ay dib u qabsadaan deegaano iyo degmooyin ay horay ugu sugnaayeen Ciidanka Koofur Galbeed.

Waxa uu sheegay in uu sugayo in maalmaha soo socda in Ciidanka Koofur Galbeed Soomaaliya in ay Al-Shabaab ay ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada ay iminka ku sugan yihiin.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa la wareegay Al-Shabaab, waxaana deegaanada qaar isaga baxay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM.