Dhageyso: Ciidamada Dowlada Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaan U Dhexeeya Xudur Iyo Waajid.

0
193

Sida uu xaqiijiyay gudoomiya degmada xudur ee gobolka bakool waxaa ciidamada dowlada faradaarla ee kaashaneya kuwa itoobiya shabab kala wareegeen deegaanka kulanjareer ee gobolkaasi.

Deegaanka ciidamada wada jirka ah la wareegay ayaa qiyaastii degmada xudur u jirta 45KM waxayna u dhexeysa degmooyinka Waajid iyo xudur.

Gudoomiye  Maxamed Maclin ayaa xaqiijiyay in dagaal ay kula wareegeen deegaankaasi waxaana uu sheegay in labada dhinac uu jiro qasaaro, dhankooda ayuu xaqiijiyay inay soo gaartey in hal askari ku dhaawacmay halka kooxda shabaabna sheegay inay u geysteen qasaarooyin badan balse dib ay ku sheegi doonaan.

Halkan Ka Dhageyso:

[audio:http://radiokulan.com/wp-content/uploads/2014/04/maxamed-macalin-gudoomiyaha-xudur.mp3?_=1|autostart=yes]

Ciidamada dowlada iyo kuwa itoobiya ayaa beryahaan waxay howlgalo ka wadeen guud ahaan gobolka bakool kaasoo ay ka dooneyaan in guud ahaan gobolka shabaab kaga saaraan.

ciidanka

Idale News Online.