Dhageyso: Baarlamanka Cusub Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Dooranaya Gudoomiye KMG Ah

0
75

Baydhabo(INO)- Magaalada Baydhabo Ee xarunta u ah Gobolka Baay Maalmo ka hor waxaa lagu dhaariyay 89 Muane oo ah Xildhibaanada  Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana hadda Xildhibaanada Maamulkaasi ay wadaan Qorshe lagu dooranayo Guddoomiye KMG ah inta la soo dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed.

Baarlamaka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada Ee Dowlada  Koofur Galbeed Xasan Cabdi  ayaa sheegay in Xildhibaanada ka dhiman Baarlamanaka la soo dhameystirayo oo uu socodo Qorshahaasi.

Ugu dambeyntii, Xasan Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada Koofur Galbeed ay soo Dooran doonaan dhawaan Guddoomiye KMG ah  kadibna Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada la soo dooran doono.

© Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here