DEG DEG:- Kulan u Dhexeeya Kerry iyo Madaxda DF Somaliya Oo Hada Ka Furmay Xalane

0
167

Muqdisho(INO)-War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaaya in halkaasi uu si toos ah uga furmay kulan gaar ah oo u dhexeeya Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka, John Kerry, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia oo uu wehliyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Kulanka oo qadar yar ka hor furmay ayaa waxa uu khuseeya Seddexdaasi Mas’uul, waxaana la tilmaamayaa in looga arrinsanaayo isbedelada ka dhacay Somalia, Hiigsiga cusub ee 2016-ka iyo la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Warar hordhac ah ayaa sheegaaya in Kerry uu Madaxda DF Somalia u balanqaaday inuu xiriir dhanka la dagaalanka Al-shabaab ah ka dhex abuuri doono Dowladaha Somalia, Ethiopia iyo Kenya, waxa uuna sidoo kale ku booriyay inay sii laba jibaaran la dagaalanka Al-shabaab.

Waxaa la tilmaamayaa in DF Somalia uu u balanqaaday dhaqaale adag oo ay kaga gudubto doorashada, dagaalada ay kula jirto Alshabaab iyo abaarah, isagoona ka digay in dib u dhac ay ku imaado doorashada.

Sidoo kale, Kerry ayaa waxaa kulankaasi kadib la filayaa inuu kulan gaar ah la qaato Hogaamiyayaasha Gobolada dalka, waxaana goob joog ka ahaan doono kulankaasi Xassan Sheekh iyo Cumar Cabdirashiid, iyadoona ay barbar socon doonto kulan uu la qaadan doono Saraakiil ka tirsan Taliska AMISOM.

Dhanka kale, Wafdiga John Kerry ayaa la sheegay inaysan soo dhaafi doonin Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cadde International Airport iyo Xarunta Dhexe ee AMISOM ee Xerada Xalane, xili aad loo adkeeyey ammanka guud ee Muqdisho

John Kerry waxaa safarkiisa kooban ee uu Muqdisho ku yimid ku wehlisa Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsan Arrimaha Afrika, Linda Greenfield Thomas.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here