DEG-DEG: Kooxda Chelsea Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday In Mohamed Salah Uu Si Joogto Ah Ugu Biiray As Roma

0
268

Kooxda Chelsea ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqday in garabkooda weerarka Mohamed Salah uu si joogto ah ugu biiray kooxda As Roma ee dalka talyaaniga, halkaas oo uu sanad amaah ah ku qaatay xagaagii lasoo dhaafay.

Sida heshiiska ahaa labada kooxood isku afgartay in Roma ay bixin karto 15 Malyan oo Euro hadii ay damacdo iney si joogto ah ula wareegto xidigaan reer Masar ee farsamada fiican kusoo bandhigay Serie A-da.

Si kastaba heshiiska labada kooxood ayaa dhacay iyadoo Roma ay haatan si rasmi ah ula wareegtay Mohamed Salah inkastoo aan heshiiskiisa faah-faahin laga bixin.

.@22mosalah has completed a permanent transfer to Italian club Roma… http://che.lc/AF50VN 

Photo published for Salah move finalised

Salah move finalised

Mohamed Salah has completed a permanent transfer to Italian club Roma…

chelseafc.com

 “Mohamed Salah ayaa dhameystiray inuu si joogto ah ugu biiro kooxda reer talyaani ee As Roma” Ayey warbixin ku shaacisay kooxda Chelsea.

Xidigaan reer Masar wuxuu xagaagii hore amaah ugu joogay kooxda ka ciyaarta Serie A-da, si wanaagsan ayuuna u iftiimiyay iyagoo ku dhameystay booska sadexaad ee horyaalka

Mohamed Salah ayaan fursad u helin inuu ku nagaado Blues markii uu January 2014 kaga soo biiray kooxda Basel, kulankiisii ugu horeeyayna wuxuu ka hortagay kooxda Newcastle United, balse qeybtii dambe ee  xili ciyaareedka 2014/2015  wuxuu amaah ku qaatay Fiorentina, balse xili ciyaareedkii xigay oo dhan wuxu ka tirsanaa Roma oo haatan ku qanacday qaab ciyaareedkiisa.