DEG DEG: Al Shabaab Oo Goordhow Sheegtey In Weerarka Kulbiyow Ay Ku Dhishay 57 Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Kenya

0
161

Kulbiyow(INO)-Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegeysa inay ciidamada KDF ee Kenya ay ka dishay 57 askari dagaal saaka ka dhacay Kulbiyow Jubada Hoose.

Waxay intaa raacisay inay ka qabsatay hub aad u badan iyo gawaari. Sikastaba ha ahaatee, afhayeenka KDF Paul Njuguna ayaa inkiray sheegashadaa.

Wuxuu Mr. Paul Njuguna sheegay in warkaasi waxba kama jiraan yahay balse mauusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay dirirtaa.

Dad shacab ah oo deegaankaa kusugan ayaa sheegay in ay arkeen meydadka askar ka tirsanaa KDF balse maysan sheegin inta tiradoodu ahaayeen meydadkaa. Wax ilo wareed ah oo kale oo xaqiijin kara khasaaraha dagaalkaa majiraan wali.

Goor sii horeysay ayaa goob jooge u sheegay Warbaahinta in al-Shabaab dableyda ka tirsan ay gawaari labo ah ku qarxiyeen  midba mar si isku xigta ka hor intii aysan rasaas bilaabin.

Intaa kadib ayuu sheegay qofkaasi goob joogaha u ahaa dhacdadaa in ay dableydu gashay xero halkaa KDF ku leeyihiin. Warar saaka goor hore soo baxay ayaa sheegay in dableydaasi ay qabsatay xeradaa iyo magaalada Kulbiyow labadaba.

Si kastaba ha ahaatee wali lama xaqiijin karo warkaa ah inay qabsadeen xerada iyo magaalada intaba. Majiraan ilo wareed kale oo madax bannaan oo xaqiijin kara qabsashada.