David Beckham Oo Hadiyad Iyo Fariin Dhiirogelin Ah U Diray Da’ Yarka Man United Marcus Rashford.

0
395

David Beckham ayaa u diray xiddiga da’da yar ee Ingariiska maaliyad uu saxiixay oo Manchester United ah.

Rashford ayaa sawir uu ka soo qaaday maaliyada hadiyad ahaanta loo siiyay waxa uu la soo wadaagay taageerayaashiisa bogga Twitter ee gaaraya 984 kun, waxaana uu soo raaciyay fariin qoraal aheyd oo u qorneyd: “Waa wax fiican inuu ka maqsuudo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican.”

David-Beckham-Marcus-Rashford-MAINDavid-Beckhams-signed-shirt-including-a-message-sent-to-Marcus-Rashford

Beckham ayaa Rashford u soo diray maaliyad buluug ah oo Manchester United ah oo dusha danbe ay kaga qoran tahay magaca Beckham iyo lambarkii uu xiran jiray ee No 7, waxaana uu lambarka dhexdiisa ku soo qoray fariin dhiirogelin ah.

“Waxay ku socotaa Marcus, nasiib wacan, siina wad shaqada adag, waxaadna ku ciyaartaa muxibo iyo farxad. Waxaa ku jecel David.”

Beckham ayaa taageere weyn u ah Rashford kaasoo shaashadaha soo koray tan iyo markii uu labo gool dhaliyay kulankiisii ugu horeysya ee Manchester United ee bishii Febraayo.