Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ka hadlay sababihii loogu diiday inuu tago Baledweyn

0
247

Muqdisho(INO) — Safiirkii hore ee Somalia u joogay Kenya Max’ed Cali Nuur [Ameeriko] ayaa wareysi uu siiyay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, wuxuu kaga hadlay sababihii loogu diiday in uu tago degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Danjire Ameeriko oo maalmihii lasoo dhaafay safar ku marayay qaar ka mid ah Gobollada dalka Somalia, ayaa maalintii shalay leyska ka hortaagay in uu gudaha u gallo magaalada Beledweyne, isaga oo ku eedeeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax in uu bixiyay amarka lagu joojiyay socdaalkii uu ku tagi lahaa magaalada Beledweyne.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd in ciidammo uu la gallay gudaha gobolka Hiiraan, waxaa uu sheegay in wax ciidammo ah oo la socday aysan jirin, islamarkaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidammo ilaalo u ahaa uga horyimaadeen meel ka baxsan magaalada si ay u soo dhaweeyeen, balse waxaa uu sheegay in markii danbe uu xaalku is badallay laguna amray in uu dib isaga laabto.

“Wax ciidammo ah oo ila socday ma jirin, waxaa meel ka baxsan magaalada iigu yimid mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen duqa degmada iyo xoghayaha maamulka gobolka oo kusime u ah guddoomiyaha gobolka, amarka leygu-diiday in aan tago Beledweyne waxaa bixiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan” ayuu yiri Danjire Ameeriko.

Mar la weydiiyay waxa uu ku saleysan yahay socdaalkan uu ku marayo gobollada dalka, ayuu ku sheegay in uu yahay socdaal nabadeed iyo in bulshada Soomaaliyeed uu ugu baaqo in ay ka shaqeeyaan nabada oo kaliya, hasse ahaatee waxaa uu iska fogeeyay in socdaalkiisa yahay mid siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Illaa iyo hadda ma jirro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo hadda howlo shaqo u jooga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here