Dagaal xalay ka dhacay degmada Afmadow

0
166

Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Al-Shabaab xalay ku dhex maray degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay markii xoogaga Al-Shabaab weeraro toos ah iyo madaafiic ku qaadeen saldhigyada ay ku leeyihiin degmadaas ciidamada isbaheysanaya.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Afmadow ayaa sheegay in weerarka ay ku soo qaadeen Shabaab iska caabiyeen, isla markaana labo ruux ay ka dileen.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro qasaare soo gaaray dad rayid ah, kuwaasoo xaafadahooda ugu tagay rasaasta habowga ah.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku haya deegaanada Jubada Hoose oo horay lagala wareegay, iyadoo dhowr cisho ka hor ay aheyd markii weeraro culus ku qaadeen degmada Kismaayo.

Idale News Muqdisho