Dagaal Mar kale dib uga bilowday saaka deegaanka lr 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose

0
233

Dagaal ayaa mar kale saaka ka qarxay deegaanka Nambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo ciidamada Milateriga ay madaafiic ku garaaceen deegaanka ka hor inta aysan weerar toos ah qaadin.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan qoryaha la maqlayay lidka diyaaradaha sida qoriga Zuuga oo aad looga maqlayo degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow.

Ciidamada Milateriga ayaa weerar rogaal celin ah mar kale ku qaaday deegaanka, kadib markii xalay ay ku hoydeen deegaanka Muuri, waxaana dagaalka saaka dib uga qarxay deegaanka uu yahay mid ka xoog badan kii shalay.

Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50 ayaa ku eedeeyay Ciidamada Milateriga ay xasuuq ka geysteen deegaanka, isla markaana dagaalka ay hogaaminayeen Saraakiil ay ka mid yihiin Jen, Qaafow iyo Yuusuf Siyaad Indha Cadde oo mar ka talin jiray Gobolka Shabellaha Hoose.

indhacade

Marka

Lama oga qasaaraha uu geysanayo dagaalka maalintii labaad ka socda deegaanka, iyadoo dagaalkii shalay uu qasaare badan dhaliyay, isla markaana ay ku dhinteen in ka badan 10-ruux.

Ciidamada AMISOM oo saldhig ku leh Garoonka diyaaradaha ee Nambar 50 ayaa kala dhex gelin dhinacyada dagaalamaya, iyadoo saraakiisha hogaamineysa ciidamada milateriga ay ku eedeeyeen in maleeshiyaadka ay la dagaalamayaan taabacsan yihiin Al-Shabaab.