Daawo:Mas’uuliyiinta Dowladda Koonfur-galbeed oo Booqday Beero ku yaalla Baydhabo

0
226

Baydhabo(INO) — Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Dowladda Ee  Koonfur-galbeed, Maxamed Xassan Fiqi oo ay wehliyeen Duqa Baydhabo, Cabdullaahi Mad-Watiin ayaa maanta booqday Beeraha Degmada  xilli beeraleydu howlahooda caadiga ah ku jiray.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeeray beero ay Tababarro ku sameyso Jaamacada Upper Jubba ee Magaalada Baydhabo, Beerahaas oo ay ku yaallaan geed-miroodyo ay ka mid yihiin; Canbaha, Liinta noocyadeeda kala duwan, Zeytuunka, Isbaandheyska, iyo Khudaar fara badan.

Guddoomiyaha degmada Baydhabo C/llaahi Watiin iyo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Koonfur-galbeed, Maxamed Fiqi ayaa Amaanay beeraleyda Gobalka Bay, waxayna ballan-Qaadeen inay sida ugu Dhasqiyaha badan ay Maal-gelin ah ku Sameyn doonaan Beeraha u baahan Maal-gelinta sida; Beerta ay leeyihiin Agoonta Al-xuneyn oo ah Beerta ugu weyn deegaanka Baydhabo; taasoo lagu Qiyaasay 28 Hiktar.

Ugu dambeyn, Wasiirka Beeraha Dowladda Koonfur-galbeed ayaa dhankiisa ku Amaanay habsami u socad Iskaashatooyinka Gobalka Bay, kuwaasoo dhawaan loosoo Gabagabeeyey Tababarro ay bixinayeen Macalimiin ka socday Jaamacadda Upper Jubba, iyadoo Wasiirku uu u sameeyay Aqoonsi-sharciyeed ku saabsan habka shaqooyinka Is-kaashatooyinka.

Idale News Online,Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here