Daawo:Jarmalka Oo Sii Deysay Wariyihii U Shaqeynayay Telefishinka Al-Jazeera Ahmed Mansour

0
196

Barline(INO)— Wariyihii Al-Jazeera Ahmed Mansour oo maalin ka hor lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ayaa la sii daayay.

Xeer Ilaaliyeyaasha ayaa xaqiijiyay in Mr Mansour oo u shaqeynayay Telefishinka Al-Jazeera qeybta Carabiga la sii daayay, Wariyaha ayaa la qabtay, xilli uu u duulayay dalka Qatar.

Halkan Ka Daawo.

Xarigiisa ayaa ka dambeeyay markii dowladda Masar ay codsi u soo dirtay dowladda Jarmalka, iyadoo sanadkii horena Maxkamad ku taal Qaahira ay ku xukuntay isagoo maqan 15 sano oo xarig ah.

Ahmed Mansour ayaa lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay jirdil fagaaraha Taxriir loo geystay nin qareen ahaa, intii ay socotay kacdoonkii ka dhanka ahaa Xusni Mubaarak sanadkii 2011.

Al-Jazeera ayaa ku tilmaamtay eedeymaha ka dhanka ahaa Mr Mansour inay ahaayeen kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin

Agaasimaha Guud ee Al-Jazeera Mostefa Souag ayaa sheegay in dhacdada ka dhacday Jarmalka ay aheyd mid ayaan darro ah, balse ay ku faraxsan yihiin in la saxay qaladkii dhacay.

mansour (1)

“Waxaa rajeyneynaa in tani ay cashar u noqoto Masar oo ah in dunida inteeda kale ay ka jirto qiimaha xoriyada iyo saxaafada”ayuu yiri Mr Mostefa Souag

Mr Mansour ayaa markii la sii daayay waxaa uu u gacan haatiyay dad taageerayaashiisa ah oo ku banaan baxay Jarmalka, iyagoo dalbanayay in la sii daayo.

“Waa mahadsan tihiin dhamaan dadka ku nool dunida ee i taageeray maalintii u dambeysay”ayuu yiri Mr Mansour oo dad dibad baxayay la hadlay markii la sii daayay.

mansour (2)

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ayaa sheegay in xariga Mr Mansour ay amartay Booliska caalamiga ah ee Interpol.

Laakiin dowladda Jarmalka ayaa dooneysay inay cod qayaxan u adeegsato, haddii Maxkamad ay gaari laheyd go’aan ka dhan ah Mr Mansour.

Dowladda Qatar oo leh Telefishinka Al-Jazeera ayaa waxa ay isku xun yihiin dowladda Masar, waxaana xiriirkooda uu xumaaday, markii Qatar ay taageertay Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee laga mamnuucay dalkaas.

Idale News Online, Barline,Germany

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here