Daawo:Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo la afduubtay, laguna dejiyay Qubrus

0
295

Qahira(INO)— Diyaarad ay leedahay Shirkadda EgyptAir oo la afduubtay ayaa lagu qasbay inay si deg deg ah ugu degto garoonka diyaaradaha Larnaca ee Jaziirada Qubrus.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Airbus 320 duulimaadkeeduna ahaa MS181 ayaa waxaa la socday 81 rakaab ah ayaa ka soo duushay magaalada Alexandaria, iyadoo ku soo jeeday magaalada Qaahira.

Mid ka mid ah rakaabka diyaarada ayaa sheegay inuu u xiran yahay jaakadaha qarxa, taasna ay keentay in afduub ahaan diyaarada lagu qabsado.

Duuliyaha Diyaarada ayaa sheegay in rakaabka ay u sheegeen in nin xiran jaakadaha qarxa uu diyaarada saaran yahay, isla markaana lagu qasbay inuu ku dego Jaziirada Qubrus.

Diyaaradda EgyptAir ayaa sheegtay in dhamaan rakaabkii diyaarada la sii daayay, balse qaar ka mid ah shaqaalaha diyaarada iyo afar ajnabi ah la heysto.

Shirkadda Diyaaradaha EgyptAir ayaa sheegtay in wada hadalo ay la gashay afduubaha ay keentay in inta badan rakaabka diyaarada la sii daayo.

Sideed muwaadin British ah ayaa saaran diyaarada, sida ay shaacisay xafiiska Arrimaha Dibadda Britain oo arrintan kala xiriiraya dowladaha Masar iyo Qubrus.

Warbaahinta Masar ayaa magaca afduubaha diyaarada ku sheegay Ibrahim Samaha, illaa iyo hada afduubkan lalama xiriirin fal argagixiso

Ninka afduubaha ayaa dalbaday magangalyo siyaasadeed, sida ay sheegtay warbaahinta Qubrus.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay, waxaa ku sugan ciidamo iyo gawaari gaashaaman, waxaana la baajiyay dhamaan duulimaadyada, waxaana loo weeciyay garoomo kale.

egyptaira (2)egyptaira (1)egybtair

Idale News Online

Somali News Desk, Qubrus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here