Daawo:Ciidamada Afghanistan oo Isku Dayaya Inay Dib u Qabsadaan Magaalada Kunduz

0
247

Kabul (INO)— Dagaalo culus ayaa ka socda magaalada waqooyiga ku taal ee Kunduz, maalin kadib markii Ciidamada Afghanistan ay qaadeen weerar rogaal celin ah oo ay dib ug qabsanayaan magaalada.

Xoogag taabacsan Taliban ayaa maalin ka hor la wareegay magaalada Kunduz oo ah magaalada afaraad ee ugu weyn dalka Afghanistan, iyagoo qabsaday gawaari Qaramada Midoobey, Bisha Cas iyo gawaari dagaal.

Iska hor imaadyo ayaa xalay gudaha magaalada ku dhex marayay Ciidamada Afghanistan iyo Taliban, balse ma cada inta ay kala heystaan labada dhinac.

Kumanaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Afghanistan ayaa ku qul qulaya magaalada, si ay uga qeyb qaataan dagaalka loogaga saarayo magaalada Ururka Taliban.

Howl galkan dib loogaga saarayo magaalada Xoogaga Taliban ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo Ciidamada Afghanistan ka taageeraya dhinaca cirla

Duqeymo diyaaradeed uu fuliyay Mareykanka ayaa Talaadadii shalay hakiyay weerar xoogan oo Taliban ku doonayeen inay ku qabsadaan garoonka diyaaradaha oo ku yaala duleedka Kunduz, halkaasoo ay aad ugu xoogan yihiin ciidamada.

Mareykanka ayaa sheegay ku kalsoon tahay in Ciidamada Afghanistan ay dib u qabsadaan magaalada Kunduz.

Sirdoonka Afghanistan ayaa sheegay in duqeymaha lagu dilay Hogaamiyihii Taliban ee Gobolka iyo kuxigeenkiisa, hase ahaatee Taliban ayaa beenisay warkaas.

Qabsashada magaalada Kunduz ayaa u ah Taliban guushii u weyneyd ee ay gaaray tan iyo sanadkii 2001, xilligaasoo Mareykanka uu ku duulay Afghanistan.

afghan (1)afghan (2)afghan (3)afghan (4)afghan (5)afghan (6)

Idale News Online, Kabul

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here