Daawo Xiisada Wabiga Nile ee Itoobiya & Masar oo sare ku kacdey

0
189

Xiisadda ka dhex taagan dalalka Masar iyo Ethiopia ayaa sare u kacdey ka dib markii madaxda wadamaadaasi ay warbaahinta isu mariyeen in dhinac walba uu ku adkeysanaayo mowqifkii uu ka taagnaa arrinta ay ku muransan yihiin labadaas dal ee webiga Nile.

NileDispute

Wareysi Ra’iisul Wasaaraha Itobiya siiyey TV dalkaasi ayuu ku sheegey in dalkiisu marnaba joogin doonin biyo xireenka wabiga Nile ee ay Itobiya bilowdey dhismihiisa, dowladiisuna diyaar u tahay in ay iska difaacdo weerar kasta oo kaga yimaada dalka Masar.

Daawo Ra’iisul Wasaaraha Itobiya oo afka Itobiyaanka lagu wareysa oo si kulul uga jawaabey hanjabaada Masar ay u dirtey dalkiisa oo uu sheegey in uusan dalkiisa u hakin doonin ama joojin doonin dhismaha quwada korantada ee biya xireenkaasi Nile laga dhisaayo.

Idale News Online