Daawo: Xidldhibaano Ka Tirsan BFS Oo Qaadhacey Hadal Ka Soo Yeerey Odayaasha Beesha Hawiye

0
334

Nairobi(INO)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si kulul ugu hadlay in Wararka sheegaya in magaalada Muqdisho maamulkeeda lagu wareejinayo beel gaar ah.



Kulanka ayay xildhibaanada sidoo kale kaga hadleen shirarka isdiidan ee maalmihii dambe ka soconaayay Muqdisho kuwaasi oo loogu hadlaayay lahaanshaha iyo maamulida Caasimada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay in maqaamka Caasimada Soomaaliya uu yeelanayo uu go’aaminayo Baarlamaanka isla markaana aysan shaqsiyaad kulmay aysan go’aan ka gaari Karin.

Xildhibaan Khadiiji Maxamed Diiriye ayaa kulanka ka dib la hadashay warbaahinta waxayna aqrisay go’aanka ka soo baxay kulankooda waxayna sheegtay in go’aanka magaalada Muqdisho uu u yaalo baarlamaanka Soomaaliya cid kalana aysan ka hadli karin.

“Aaayaha gobalka banaadir iyo masiirkiisa waxaa jaan goynaya baarlamaanka Soomaaliya, mana jirto cid si gaar ah u sheegan karta maamulka magaalada Muqdisho.”ayay tiril xildhibaan Qadiijo Maxamed Diiriye.

Arimahaan ayaa ku soo aadaya iyadoo mudooyinkaan danbe uu muran ka taagnaa maamulka magaalada Muqdisho sidoo kale kalana ay socdeen shirar looga hadlayay Mustaqbalka magaaladaan.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here