Daawo Xarunta Xanaanada Xoolaha Oo Laga Furey Degmada Xudur

0
198

Wasiirka wasaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xariga ka jarey xaruunta xanaanada xoolaha ee Degmada Xuddur Xili xoola dhaqatada gobolka bakool ay ka cabanayaan cuduro dilaa ah oo xoolaha ay u dhimanayaan iyo Daawo la’aan.

Xoolo Dhaqatada deegaanka ayaa marar badan  waxay codsiyo ay u direen wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya si wax loogu qabto Xaaladda guud iyo sidoo kale cudarada ku dhaca xoolaha.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo sameysay dadaalo wax loogu qabanayo cudaradaasi ayaa hadda  Ku guuleysatay in ladhiso xaruun cusub oo xoolaha lagu daweeyo, waxaana xaruntaasi si rasmi ah xariga uga jaray Wasiirka xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya Maxamed Cabdiraxiin Nuur.

Wasiirka oo ay wehliyeen masuuliyiin ay kamid yihiin maamulka Degmada Xuddur ayaa sidoo kale waxay booqdeen ceelbiyood ay xooluhu biyo ka cabaan, iyagoona xogwreysi la yeeshey xooladhaqatadii ay lakulmeen.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu balaarinayo waxqabadka wasaaradda, iyadoona ay xusid mudan tahay in dhowaan Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka koonfur galbeed ay ka sameeyeen xarun loogu talo galay in lagu ogaado caafimaadka Xoolaha.