Daawo: Wararkii ugu dambeeyey xaalada dalka Yemen

0
208

Sanca(INO)-Duqeymaha iyo dagaalada ayaa wali ka sii socda magaalada Cadan ee dalka Yemen, waxaan aan jirin wax horumar ah oo maalinkii 18aad laga sameeyey howlgalka ay qeybta ka yihiin wadamada Diyaaradahoodu garaacayaan gudaha dalka Yemen.

Xulufadii weerarka ku qaaday dalka Yemen ayaa hada muuqata in ay kala furfurmeen, waxaana dawladda Pakistan la sheegay in ay guud ahaanba ka laabatay in ay ka qeyb noqoto weerarkaas.

Dawladda Sacuudiga ayaa la kulantay dhabar jab weyn, markii ay Kooxda Xuutiyiinta ay madaafiic iyo weerar ku qaadeen gobalada dalka Sacuudiga ee dhaca xadka udhaxeeya Yemen iyo dalka Sacuudiga.

Laamaha amaanka ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in la dilay sadex kamid ah Saraakiisha Amaanka ee xadka, markii ay kooxda Shiicadu bartilmaameedsatay meel ay ilaalo ka hayaan ciidamada Boqortooyada Sacuudiga.

Idale News Online, Sanca

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here