Daawo: Suldaanka Beesha Tunni Oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Magaaalada Kismaayo

0
543

Kismaayo(INO) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay Suldaan Fiqi Axmed Fiqi oo ah Suldaanka Beesha Tunni oo maalmihii u danbeeyay safari dalka dibadiisa ku maqnaa.

Suldaan ayaa Garoonka waxaa uga hortagay Bulshada  Jubbaland iyo Waxgaradka,kuwaasi oo si weyn Suldaanka Beesha Tunni si weyn u soo dhaweeyay.

Soo dhaweyn ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Cumar Mx’ed oo ka mid ah Waxgaradka Jubbaland,isagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweyna Suldaan Fiqi oo maamuus weyn ku dhex leh Bulshada Jubbaland.

Ugu danbeyntii,Suldaan Fiqi oo la wareegay Makarafonka ayaa ugu horeyn u mahad celiyay dadkii Jubbaland ee soo dhaweeyay.

Imaanshaha magaalada Kismaayo Suldaan Fiqi ayaa ku soo aadeysa,xilli uu madaxweynaha Jubba Land Axmed Madoobe uu wado dadaalo uu ku doonayo inuu ku soo magcaaabo Xukuumadiisa cusub.

Wararka qaar oo soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo iney soo noqdaan Wasiirada hada xilka qaarkood halka kuwo kale daaaqada ay ka baxayaan.

Halkan Ka Daawo:

 

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here