Daawo Sawirro+Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhashay Qaraxyada Ka Dhacay Magaalada Baydhaba

0
217

Waxaa gelinkii dambe ee Galabta Magaalada Baydhaba Janaay oo ah Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay qaraxyo xoogan,kuwaasi oo gudaha Magaalada si weyn looga maqlay.

Waxay Qaraxyada ay ka dhaceen Hoteel Bilan Iyo Baar Badar,isla markaana ay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wariyeyaheena ku sugan Magaalada Baydhaba ayaa waxa uu soo sheegayaa in qaraxyada  mid ka mid ah uu ahaa ismiidaamin,waxaana ku geeriyooday in ka badan 10 ruux halka dhaawacuna uu ka sii badan yahay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in qaraxa uu ahaa mid lagu weeraray maqaaxida Badar.

Xaalada Magaalada Baydhaba ayaa Caawa ka duwan sidii saakay waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska iyo Nabadsugida oo goob walba xiray.