Daawo Sawirada:- Wasiirka arimaha dibedda Somaliya oo Shir oga qayb galaysa Addis Ababa

0
174

Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa uga qeybgaleysa Magaalada Addis Ababa shir ay ku kulansan yihiin Wasiirada arrimaha dibadda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Marwo Fawsiya Yuusuf oo maanta inta aaney ka ambabixin garoonka diyaaradaha Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa waxa ay sheegtay inay ku rajo weyntahay in guul ay ka gaarto shirkaasi oo loo balansan yahay inuu ku qabsoomo Addis Ababa 3-da bishan Mey , waxa ayna tiri “ waxaan ka qeybgalayaa shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada ku midoobay urur goboleedka IGAD  oo looga hadli doono Stabilization Plan , waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray , waxaana  rajeynayaa  in dowladeyda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan , iyadoo isla 4-ta bishan ay kulmi doonaan Madaxweynayaasha wadamada gobolka”.

Ra’’isul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Marwo Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadam ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda oo uu ugu horeeyay Kusimaha Xoghayaha Joogtada Adv. Hersi Haji Olosow iyo diblomaasiyiin kale .

Hoos Ka Daawo Sawirada Wasiirka arimaha dibedda Somaliya oo Shir oga qayb galaysa Addis Ababa

DSC00296

DSC00301

DSC00303

DSC00304

DSC00306

DSC00308

Idale News Muqdisho