Daawo Sawirada Ururka Ardayda Soomaliyeed ee Kuwayd oo wacdaro ka dhigay xuska Maalinta Afrika.

0
191

Dhammaan Danjireyaasha dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Kuwait waxay u dabaaldegeen maalinta Afrika ( Afrika day ). Xaladdaas oo u dhacday si heer sare ah waxa ka soo qaybgalay madax ka socota Dawladda Kuwait, Danjireyaasha Caalalamka u fadhiya dalka Kuwait iyo Ururada Addunka iyo dhammaan Jaaliyadaha dalalka Afrika eek u nool.

Khudbad so dhoweyn iyo heer ay Afrika manta mareyso ayaa waxaa halkaasi ku furay Danjire Cabdulqadir Amiin Sheikh oo ku hadlayey magaca Danjireyaasha Africa.

Danjire, Amin wuxuu mahad u soo jeediyey Madaxada dalka Kuwait doorka firfricoon ee uu Amiirka Kuwait ka qaadanayo iskaashiga iyo xoojinta xiriirka Carabta iyo Afrika, iyo taageerada dawladda Kuwait ay siineyso Safaaradaaha Dalalka Afrika ee Kuwait.. Danjiraha wuxuu sheegay in ay Afrika ku socoto waddada horumarka iyo xalinta dhibaatada afrika u khaaska ah, isagoo misaal u soo qaatay doorka Ciidamada Somalia, ka dib waxaa isna halka khudbad ka soo jeediyey Madaxdii ka socotay dalka Kuwait.

Kudbadaha ka dib waxaa halkaas laga furay bandhig ay Safaaradaha ku so banndhigeen sawiro iyo wax soo saarka dalkooda.

Bandhigga qaybta Soomaaliya waxaa diyaarintiisa ka mas’uul ahaay ururka ardayda soomaaliya ee dalka Kuwait oona hogaaminaayey madaxa ururka ardayda soomaaloya ee dalka Kuwait Jamal aweis iyo ururkii la shaqeeyneysay. Waxey ururka ardeyda sana walba ka qayb galaan bandhiga hidaha iyo dhaqanka oo ka soo qayb galaan jaaliyadaha afrika ee ku nool dalka Kuwait. Ujeedada ugu weyn ee uga qeyb galaan waxaa weeye in jaaliyadaha kale ay arkaan quruxda hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed.

Waxaa kaloo xafladdaas lagu soo bandhigay ciyaarada hiddaha iyo dhaqanka ee dalalka Afrika.

Gabagabadii, Danjiraha Soomaaliya iyo marti sharatii waxay dadweynaha u fureen Casho sharaf loogu talagaly munasabadaas.

123456789101112Idale News Online,.