Daawo Sawirada Sida loo bur buriyay Hoteelo iyo Goobo ganacsi oo kuyaala Muqdisho.

0
191

Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka helaya Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta bur buriyay Dhismayaal sharci daro ahaa oo kuyaala Isgooska KM-4 ee Magaalada Muqdisho.

Dhismooyinka Ciidamada Dowlada ay bur buriyeen Waxaa ku jira Hoteelo Caan ah ay kamid yihiin Hotelka Bakiin ama Kuraasyo cadde , Muqdisho City Hotel , Carwooyin iyo goobo ganacsi oo kuyaala Isgooska KM- 4.

Goobaha Sharci darada ah ee maanta la bur buriyay ayaa la sheegay in ay aheed goob hore tagaasida Dowladda Hoose la dhigi jiray , waxaana ganacsatada iyo dadkii lahaa dhismayaashaasi loo qabtay Mudo isbuuc ah in ay ku baneeyaan iyadoona ugu dambeyn maanta la bur buriyay.

Gudoomkyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo booqday halkii bur burinta ka socotay ayaa sheegay in maamulkiisu uu dhulka la simi doono goobaha sida sharci darada ah loo dhistay waxa uuna tilmaamay in ay qeyb ka tahay bur burintan soo celinta bilicda Caasimada.

Muungaab ayaa ku amray dadka dhistay dhulka danta guud in ay si deg deg ah u baneeyaan ama la bur burin doono sida maanta loo bur buriyay dhismayaal sharci daro ah oo kuyaala Isgoosa KM-4.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bur burinta uu maanta ka sameeyay Isgooska KM-4 ayaa noqoneysa tii ugu balaarneed ee mudooyinkan ku dhaqaaqaan , waxaana maalmaha soo aadan la filayaa in sidaan oo kale loo bur buriyo dhismayaal kale oo sharci daro ah.

km 1km 2km 3km 4km 5km 6km 7km 8km 9km 10km 11km 12km 13km 14km 15km 16km 17km 18Idale  News Online, Muqdisho.