Daawo Muqaalka Shir Weynaha Wadatashiga Qaran Ee Dib U Heshiishinta Oo Maanta Muqdisho Ka Fumay

0
53

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in shirka ka socda Muqdisho uusan ahayn shir lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid hanaan dib u heshiisiin ah islamarkaana aan weli la gaarin shirkii beelaha Soomaaliyeed lagu heshiisiin lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay Wasiirka in shirkan aan loogu kala garqaadeyn dad colaad ay ka dhaxeyso, loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay sidaasi u ogaadaan.

Waxa uu xusay in shirkaan uu yahay mid lagu aruurinayo talooyinka dadka Soomaaliyeed, sidoo kalena lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka heysta.

Hadalka Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa ku soo aadaya xilli dad badan oo shir weynaha Muqdisho ka socda ka qeyb galaya ay sheegeen in loo baahan yahay in beelaha soomaaliyeed ee dulman in wax loo qabto.

https://www.youtube.com/watch?v=xrPcVsCuVgg