Daawo: Isimada waaweyn ee Khaatumo oo sheegay in Puntland wax aan Islaamnimada iyo Somalida aheyn uusan ka dhaxeysan, Doorashada Puntland

0
188

Issimada Maamulka Khaatumo oo shir jaraa’id ku qabtey gobollada SCC ayaa sheegay iney isimadada beelaha khaatumo go’aan ku gaareen in aysan wax xildhibaano oo doorasahdada Puntland ka qeybgala aysan saxiixeyn ama xildhibaano cusub soo dirin doonin, sidaas darteed waxay sheegeen in issimadooda iyo waxgaradka gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ay sameysteen maamul u gooni ah.

Go’aanka isimada Beesha dhul bahante ayaa meesha ka saaraaya 17 xildhibaan oo beelahaasi u soo diri jireen maamulka Puntland, mana jirto ilaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Puntland oo ay kaga jawaabayaan go’aanka isimada Khaatumo ay ku gaareen degmada Buuhoodle.
khaatumo
Idale News Online