Daawo: Dowlada Koonfur Galbeed Oo Abaalmarisay Ragii Ka Qiib Qaatey Howlgalkii Raydabo Ee Gobolka Bay

0
1330

Buurhakaba(INO)- Wefdigaan Maanta gaarey degmada buurhakaba ee gobalka Bay ayaa waxaa hogaaminayey wasiirka wasaarada hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur galbeed oo ay qeyb ka ahaayeen wasiirka wasaarada maaliyada maamulka koonfur galbeed sheikh xasan ibraahim lugbuur taliyaha qeybta 60aad ee ciidinka xooga dalka soomaaliya general ibraahim yarrow taliyaha ciidamada gaarka ah ee booliska koonfur galbeed general maxamed sheikh cabdulaahi xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanda koonfur galbeed ee ka soo jeeda degmada buur hakaba ee gobalka bay iyo masuuliyiin kale.

Marki ay gaaren degmada si weyn ayaa loo soo dhoweye masuuliyiinta ka socotey dowlada koonfur galbeed,

Wefdiga uu wasiirka hogaaminayey waxey ka qeyb galeen Munaasabada awaalmarino lagu gudoonsinayey askartii ka tirsaneyd ciidamada gaarka ah ee booliska koonfur galbeed ee fulisey howlgalkii degaanka REYDABO ee gobalka bay oo inta badan lagu laayey saraakiil ajaaniib ah oo ka tirsaneyd ururka Alshabaab,

Munaasabada oo ay soo qabanqaabiyeen Sarakiisha ciidamada Midowga Africa Amisom Oo lagu casuumey in ay ka qeyb galaan Masuuliyiinta Ka socotey Saraakiil ka socotey dowlada federaalka soomaaliya iyo maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya

Ciidamada Ka tirsaneyd Ciidamada Gaarka ah ee koonfur galbeed ee filiyey howlgalkii reydabo ayaa masuuliyiita hortoodi lagu gudoonsiiyey abaalmarino muhiim ah isla markaasina ciidinka lagula dardaarmey in ay ku dayadaan

Waa khudbad kooban munaasabada ka jeediyey taliayaha ciidamada midowga Africa amsiom isagoona marka ugu horeysa u mahad naqey masuuliyiinta ka socotey koonfur galbeed uuna ku soo dhoweyey degmada buur hakaba ee gobalka bay

Taliyasha ciidamada qeybta 60aad ee xooga dalka iyo ciidamada gaarka ee booliska koonfur galbeed ay wada qeexeen muhiimada ugu weyn ee manta ku fadhida munaasabdaan lagu awaalmiranaayo ciidamada gaarka ah ee booliska koonfur galbeed

Wasiirka Maaliayada Koonfur Galbeed waxaa uu sheegey in ay aad ugu faraxsanyihin in ay ka qeyb galaan munaasabad aya saraakiisha ciidamada midowga Africa amisom ku awaalmarinayeen ciidamada gaarka ah ee booliska koonfur galbeed ee fuliyey howlgalkii reydabo oo saraakil ka tirsan  alshabab lagu diley

Wasiirka Hubka dhigista dhaqancelinta iyo tababarada maleyshiyaadka koonfur galbeed oo uu hogaaminayey wefdiga gaarey degmad buur hakaba oo ka qeyb galey munaasabda lagu awaalmarinayey ciidamada koonfur galeed waxaa uu sheegey inuu aad ugu faraxsanyahey in ay ka qeyb galaan munaasabda sidaas oo kalena  mahadnaqey saraakiisha ciidamada midowga Africa amsioom ee degmada buur hakaba oo qabanqaabista munaasabadaan ay lahaayeen waxaa sidoo kale uu kula dardaarmey ciidinka in ay sii wdaan howlgala lagula dagaalamaayo alshabaab

Wasiirka ayaa Gabagabdii Munaasabada  Ciidamada gaarka ah ee booliska koonfur galbeed ee fuliyey howlgalkii REYDABO waxaa uu gudoonsiiyey awaalmarino Isagoona U balanqaadey hadii ay wadaan howlgaladaan lagu ciribtiraayo Alshabaab uu Gudoonsiin doono Darjoyin Ciidin

Munaasabada ayaa waxaa ay ku soo cidlaatey jawi nabdoon oo farxadeede iyagoona muasuuliyiinta maalmaha ay joogaan buur hakabana ay la kulmi doonaan Masuuliyiinta Maamulka Degmada, Odayaasha daqanka Ganacsatada Ururada haweenka Dhalinyarada Iyo qeybaha ay ka koobantahey degmada Buur Hakaba.

Halkan Ka Daawo sawirada

IMG_9618IMG_9623IMG_9627IMG_9666IMG_9670IMG_9673IMG_9678IMG_9687IMG_9688IMG_9742IMG_9747IMG_9749IMG_9752IMG_9753

Wariye Maxamud Ibrahim Timacade, Idale News Online, Buurhakaba