Daawo Dalka Sweden waxaa ka dhacday xaflad ay iskugu yimaadeen aqoonyahano, culimo, waxgarad, haween iyo dhalinyaro kuwaas oo ka qeybgalay bandhig xafladeed ku saabsan Sinidguuradi 1aad ee joornaalky Hoghol ee lsgu qoro luuqada Afka Maayga

0
557

Dalka Sweden waxaa ka dhacday xaflad ay iskugu yimaadeen aqoonyahano, culimo, waxgarad, haween iyo dhalinyaro kuwaas oo ka qeybgalay bandhig xafladeed ku saabsan Sinidguuradi 1aad ee joornaalky Hoghol ee lsgu qoro luuqada Afka Maayga . Xafladaas ayaa waxay ay ka dhacday
Magaalada Eskilstuna ee Dalka Sweden caawa 01/02/2020. Waxaana loogu hadlay xafladaas hormarka laga gaaray journaal ku Hadlaayo Af-maayga Hoghol.

Bandhigga joornaalky Hoghol ee Afka Maayga waxaa soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Jaliyada JBM Mudane Abdulkadir Sheikh oo ka mid ah, aasaasayaasha joornaalka Hoghol ee ku baxa Afka Maayka. Dadka ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in luuqaddu ay u baahan tahay barbaarin iyo ilaalin joogta ah. Waxaa ka hadlay xafladaasi Gudoomiyaha Isbahaeysiga Jaaliyadaha Soomaalida Mr. Habane , macaliimiin , iyo waxgarad ka tirsan degmada Iskilistuum ee dalka Sweden. Dhamaan in loo baahanyahay sidii laagu qeyb qaadan lahaa horumarinta luqadda Maayga , oo ah luqad ay ku hadlaan dadbadan oo Soomaali ah ay ku hadlaan.

waxaa Qadka Teleefoonka kaga qiibqaatay Professoro udhashtay reer maaylaand ama KGS Sidaad Utaqaanaba
1-Professor Cabdi Kuusow
2-Professor Cabdullshi Sheikh Manuur.
iyo kuwo kale oo waqtiga u saamixi waayay.

Dadweynaha xafladaasi ka sooqiibgalay ayaa aad ugu riyaaqay qaabka loo maamusay
Wuxuu soo hadal qaaday erayo badan oo Lala wadaagay qaabka uqorey

waxaa joogtay Nimco Isaaq oo guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada KGS iyo Afhayeenka Dallada KGS ee Sweden Mr. Abulkadir Mohamed Sagaarey, oo ka mid ahaa dadkii gacan . Waxaa kalo ka sooqiibgalay siyaasiyiin ka tirsan degmada Magaalada Eskilstuna kuwaas oo ka hadlay muhiimadda luqadda iyo sida loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo si wada jir ah.

Waxaa aad loogu mahadnaqay qabanqaabiyaasha hoolka shirka iyo agaasinka guud ee shirka Luul iyo Saygeeda Mahad oo runtii lagu aamaanay sida wanaagsan oo ay waqti u geliyeen Qaabkii uu ku guulesan lahaa shirka.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay buug lahu soo ururiyay qoraalkii wargeyka Hogol ee halkii sano ee joornaaka Hoghol uu howlgalay. Shirka waxa uu ku dhammaaday guul.