Daawo Baarlamaanka KG oo ku kala jabay go’anka uu Shariif ku hakiyay xiriirka Dowlada

0
201

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi ay ku kala qeybsamen talaabada uu maamulka ku hakiyay wada shaqeyntii dowladda dhexe.

Xildhibaanada ayaa lasoo sheegayaa in go’aankaasi kadib ay kulamo gaar gaara ku yeeshen magaalada Baydhabo waxa ayna siyaabooyin kala duwan ugu hadleen qodobadii ka soo baxay shiirkii Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa kulamadooda ku muujiyay in maamulka uu ku khaldan yahay go’aanka uu xiriirka ugu hakiyay dowlada Dhexe.

Xildhibaanada qaar ayaa difaacay wax qabadka dowladda dhexe halka kuwa kalena ay sheegeen in dowladda dhexe aysan waxbo u qaban shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Ibraahim Cali Aadan oo kamid ah mudanayaasha maamulka ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka baxay balan qaad uu  sameeyey.

Xildhibaanku waxa uu tilmaamay in maamulka uusan lasii shaqeyn Karin dowlad aanu dhaqan galineynin balanqaadyada.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan go’aanka ay ku hakiyeen wada shaqeynta dowladda dhexe kala dhaxeysay.