C/kariin Guuleed “Hub lagala baxay Madaxtooyada ma jirto, Isku day la fashiliyay ayuu ahaa, dad ayaa loo qabtay”

0
176

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii u horeysay ka hadlay warar si weyn loo hadal hayay, qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho ay ka hadleen, kaasoo ahaa in Hub lagala baxay Xarunta Madaxtooyada.C/kariin Guuleed ayaa beeniyay wararka sheegaya in hub lagala baxay Madaxtooyada, isla markaana uu ahaa isku day la fashiliyay oo la doonayo in hub lagu xado.

Wareysi ay la yeelatay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa la weydiiyay su’aal aheyd wararka ku saabsan hubkaas, isagoo xusay in dad loo qabtay, ayna socdaan baaritaan sida uu yiri. “Warkaas waa been, hub lagala baxay ma jiro, waxaa uu ahaa isku day la fashiliyay, dadkii ku lugta lahaa waa la qabtay, baaritaan ayaana ku socda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Arrinta ku saabsaneyd hubka lagala baxay Xarunta Madaxtooyada ayaa aheyd mid guux weyn oo todobaadyadii u dambeeyay hareysay bulshada Muqdisho, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in hubka lagala baxayay Madaxtooyada ay muddo soo socotay, isla markaana markii u dambeysay la ogaaday. Hubka lagala baxay Bakhaarada ku yiil Madaxtooyada ayaa isugu jiray rasaas u badan hoobiyaha iyo hubka kale oo aan cadadiisa la sheegin.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii Golaha Ammaanka uu qaaday cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sida arrintan ugubka ah ee ka dhacday Madaxtooyada ay saameyn uga yeelan karto cunaqabateynta hubka ee la qaaday.

Idale News Mogadishu