Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 3aad: Geella iyo Abla- Ableyntiisa

0
1028

 Geela iyo Abla-ableyntiisi: Geelu waa noole xoogbadan oo Eebe ugu nimceeyey Aadanaha. geela ayaa ah kan uga xoogan noolasha reer miyiga,sababtoo ah isaga oo xoogan oo adkeysina u leh degaanadda xaalufka ah ama lama degaanka ah.

Xoolah noole,gaar ahaan geela,siweyn ayaa looga qadariyaa, daaqsataduna ay u siinayaan ahmiyad. waxaa qofka dhaqdaa ku soo kordhiyaa hodantinimo iyo magacweyn oo bulshadda dhexdeeda ah.

 Ujeeda Loo Dhaqdo Geella

  •  Caano ahaan
  •  Hilib ahaan
  •   Gaadiid ahaan sida; rarista iyo dhaansashadda
  •  Qodista beeraha
  •   Soo saarista biyaha ceelasha dhaadheer.

Waxaa jiraa labo sinji oo  Nooca geella aduunka ah

1. sinji leh hal kurus sida  nooca soomaalidu ay dhaqato (Arabian camel/dromedary).

2.  sinji leh labo kurus  sida; nooca lagu dhaqdo wadamadda carbeed(Bacterian camel).

 Abla-ableynta geellaa santiifik ahaan.

kingdom Animalia
phylum Chordata
class mammalian
order artiodactyla
Family camelidae
Genus Camelus
Species Camelus dromedies or camelus bacterian.

FG;  xoolaha labo qajaafi layaasha ahi waa(geela,lo’da iyo ariga).waxaan duul kooda loo yaqaano (artiodactyla).

Geela hal kurus laha ahi waxuu sidaa uurka 390 maalmood, bacdamaa kan labo kuruslaha ah   uu sido 405 maalmood(gestation period).

Geela hal kurus laha ahi wuxu sidaa uurka 390 Beri,Halka kan labo kuruslaha  ah  uu sido 405 maalmood(gestation period).

 Geella Dalka  Soomaaliya

Wadanka soomaaliya ayaa ah wadanka uga geela badan aduunka dhan waxaa lagu qiyaasey tirada Geela ku nool ama lagu haysto  10 malion. geela soomaalia ayaa waxaa lagu tilmaamey boqol kiiba(43%) in ay dhaqadaa soomalida aduunka intiisa kale waan geela looga jecel badan yahay waaye daafaha aduunka sinjigiisa.

Waxaa ku xigga wadan  suudaan oo ah qobol kiiba (18%) markii la isku daro wadartooda ay tahay (61%) ,taas oo ka dhigan tahay  geela uga tiradda badan in lagu helo caalamka islaamka.

 Astaamaha Geella Soomaaliya.

Waxaa jiraa astaamo ama magacyo farbaddan oo ay soomaalidu geelahood uga yeraan. Geela uga caasan waxaa ka mid ah HORR IYO SIIF-DACAR.

Geela iyo lo’da waxaa la isku aranayaa ishkin . geela lab ka ah waxaa la yiraaahdaa Rati,kan dhediga ahna waxaa la yiraahdaa hal. marka Ay yaryeryihiina waxaa la yirirahdaa NIRIG iyo QURBAC.

Astaanta waxaa saameyn ku leh degaanka( environmental ama ecological).tusaale ahaan geela ku nool kuufurta soomaaliya waa uu waaweyn yahay,dhaadheer yahay wuu culeys badan yahay, mar loo eego kan ku nool waqooyiga .

Geela waqooyiga soomaaliya ku nool waa ay gagaaban yahay,,geelani waxey lee yihiin dhoqor jilic san marka ay joogaan Dhulka Howdka ah.

W/Q: Xasan Ismaaciil Isaaq( Xasan Bashaa).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here