Cilmiga Xanaanada Xoolaha Qeybtii 2aad: Taariikhda Cilmiga Xanaanada Xoolaha

0
964

Taariikhda Cilmiga xanaanadda xoolaha: Cilmigani waxaa soo adeegsan jirey masaaridii  iyo hunuudi hore(Egyptian& Indian ancient); labo caalim oo waagaas  noolaa oo la kala oranaayo paprus of kahun iyo vedic literature, ayaa waxey ahaayeen  kuwii wax ka sheegey cilmigan xanaandda xoolaha (1900BCE).

 Aabaha Cilmiga Xanaanad Xoolaha.

Wuxuu ahaa”ROMAN VETERINARIAN”  oo la oran jirey “RUNATUS VEGTIUS” oo noolaa Inta Dhexeyso  (45O-5OOA.D),wuxuu ikhtiraacey ama hindisey  buugii uga horeeyey ee cilmiga xananada xoolaha oo la oran jirey buugaas”BOOK OF VET ARTS”.

Aragtadiisa curadda xoolaha ku dhacaa iyo ilaalintooda ayuu xooga ku saaray boogiis, waxaanu isbedel ku sameeyey dadka iyo xoolaha caafimaadkood,waxaana loo aqoonsadey in uu yahay “the father of vet.medicine”.

Sidoo kale waxaa jirey isna qof kale oo RAMON ahaa oo la oran jirey”slave androcyle” ayaa waxaa soo jiitey suulka cagta libaaxa oo mar walibana cidyaha u  gaaban  jirey beertiis dhexdeeda waxaa loo aqoonsadey in uu yahay “the first veterinarian”.

 Aas-Aasihii College-kii Ugu Horeeyey Ee Lagu Barto Cilmiga Xanaanada Xoolaha.

 Cilmigani xanaanadda xoolaha casrigani waxaa laga keeney ama asal u ah wadanka faransiiska. Sanadkii 1664 kii nin la oran jirey”Jacques labessie De solleysel. wuxuu daabacey buug cilmiga xanaanadda xoolaha ah oo dhameystiran,daabacaadani ama shaqadaan uu qabtey waxey aheyd mid aad u horeysey,qarnigii 17th.

Qofkii aas-aasey college ayaa ahaa nin faransiis ah oo  la oran jirey”claude bourgelate”,oo noolaa (1712-1779),mr.bourgelate wuxuu xooga saarey heerarka cilmiga xanaanadda xoolaha ,waxuu si weyn u xiisayey fardaha.

Sanadkii 1751 kii waxaa uu qorey buuga ah”Equine medicine”,-equine-Waxaa la isku oranayo waa fardaha, dameeraha, baqasha ,geeyadda iyo dhamaan xaywaanaadka “mono-gastric” ga ah.

Sidoo kale waxa uu  baaritaano ku sameeyeey  Cudurka “glander-ka”;waa ibola ku dhaca qanjidha jirka neefka ama dadka waana ka guul gaarey ciribtirka cuduradka fardaha Ee ciidamadda faransiiska waagaasi.dabadeedna waxaa uu ka codsadey in uu furro “college vet.medicine” lagu barto cilmiga xanaanaad xoolaha.sidaas darteedi college kii uga horeeyey aduunka lagu barto cilmiga xanaanadda xoolaha ayaa dhibadda looga taagey magaaladda lyon faransa sanadka markuu ahaaa 1-junaury-1762.

W/Q: Xasan Ismaciil Isaaq( Xasan Bashaa).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here