Ciidanka Maamulka Jubba Oo Toogtey Labo Qof Oo Rayid Ah

0
187

Kismaayo(INO)-Warar aynu ka helnay magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in Laba qof oo rayid ah lagu dilay magaaladaasi.

DIL

Ciidan ka mid ah maamulka Jubba ayaa la sheegay in ay soo qabteen Koox dhalinyaro ah oo la sheegay in ay meel wada fadhiyeen, hase ahaatee Laba Dhalinyaro ah ayaa carartay, balse ciidanka ayaa intay soo qabteen ka dib toogtay.

Waxa ay taasi khilaaf ka dhex abuurtay Ciidankii howlgalka wada sameynayay, waxaana la’isku qabsaday sababta dhalimnyara loo dilay mar hadii lasoo qabtay.

Ciidankii dilka ka carooday ayaa sii daayay dhalinyaradii kale oo la damacsanaa marka hore in saldhiga Kismaayo la geeyo.

Maamulka magaalada Kismaayo weli wax war ah kama aanu soo saarin dilkaasi dhacay, balse dilalka sidaan oo kale ah ayaa magaalada Kismaayo ku badan

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here