Ciidamada AMISOM oo la wareegaya ammaanka Xarunta Baarlamaanka, inta laga xaqiijinayo jawi nabdoon

0
318

Taliyaha Ciidamada AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay la wareegayaan amniga xarunta Baarlamaanka inta laga xaqiijinayo jawi ay Xildhibaanada ku yeelan karaan kalfadhi nabdoon oo aan cabsi gelin jirin.

Hadalkan ayuu Taliyaha AMISOM ka sheegay kulan uu la qaatay Guddoomiye Jawaari, kuxigeenkiisa iyo xubno ka tirsan Xildhibaanada oo uu kula kulmay xarunta Villa Hargeysa.

Jen. Paul Lokech ayaa sheegay inuu furimaha dagaalka uga yimid, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka, isagoo dhowr arrimood u jeediyay.

Waxaa uu sheegay uu soo jeediyay in labada dhinac ay ku heshiiyaan in meel dhex dhexaad ah ku kulmaan, iyo in AMISOM ay ka dhex baxdo oo ay faraha ka qaado dhinacyada is haya.

Arrintan ayaa ka dambeysay qalalaaso iyo ismaandhaaf ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa, waxaana uu ku soo dhamaaday, iyadoo aanay wax fadhi ah qabsoomin.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu sharciga jebiyay, isla markaana uu ciidamo la soo galay xarunta oo la wareegay.

Xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga keenay Jawaari ayaa sii xoogeysatay, waxaana labada dhinac ay hawada isu marinayaan eedeymo culus.