Cali Gacal Casir Oo Ku Guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0
213

Cadaado(INO)— Cali Gacal Casir ayaa ku guuleystay doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, kadib markii wareegii labaad uu ka guuleystay musharaxii kale ee la tartamayay C/llaahi Maalin Gaafow Aasparo.

Doorashada oo aheyd mid aad u xiiso laheyd, ayaa musharax Cali Gacal uu helay codod dhan 48 cod, halka musharaxii kale ee la tartamayay C/llaahi Aasparo uu isna helay 36 cod.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ka kooban 84 Xildhibaan, iyadoo aqlabiyada ugu badan ay siiyeen Cali Gacal oo wareegii hore loogaga horeeyay.

Guddoomiyaha KMG ee shir-guddoonka ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, iyagoo markii lagu dhawaaqay in Cali Gacal Casir uu guuleystay ay goobta mar qudha ay sacab iyo mashxarad ka bilaabatay.

Intaas kadib ayaa waxaa hadda bilaabatay khudbado ay jeedinayaan Mas’uuliyiinta, maadaama ay soo dhamaatay doorashada Guddoomiyaha, iyadoo loo guda geli doono doorashada Guddoomiye kuxigeenka.

Cali Gacal Casir waa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa oo ka hadlay gaba gabada doorashada ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee la doortay, waxaana uu xusay in wixii hadda ka dambeeya uu howsha Maamul dhisida la wareegi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub Cali Gacal Casir.

Mr Odawaa ayaa sheegay in Wasaaradda ay fududeeyo ka tahay shirka, isla markaana 4-ta bisha July ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Hoolka uu ka socday doorashada ayaa aheyd mid aad u buuxday, oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano, mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dad ka kala yimid gobollada dalka, waxaana tallaabadii koowaad qabsoontay dhismaha Maamulka Galmudug oo hadda uu yeeshay Guddoomiye Baarlamaan.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here