Baydhabo: Maxaa ka jira In Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bay Shiino Macalin Nuurow uu ka qeyb galey shir lagu taageeraayey go’aankii Madaxweyne Xasan Sheikh

0
197

Kulan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa lagu taageerayay hadal dhowaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka, oo ahaa in shirka Baydhabo maamul loogu dhiso saddex gobol.

Kulanka lagu taageeray hadalka madaxweynaha waxaa ka qayb-galay odoyaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka Baay, oo tilmaamay inay soo dhowaynaan isla markaasna ay muhiim tahay in dhismaha maamulka lagu saleeyo saddexda gobol.

Shiine Macallin Nuurow oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Baay,ayaa hadal uu ka jeediyey kulanka waxaa uu ku sheegay  in ay soo dhoweynayaan hadalka madaxweynaha ee ah in shirka Baydhabo maamul loogu sameeyo saddex gobol.

shiine-macalin-nuurow

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ayaa la sheegay inay dhankooda isku raacen in saddex gobol maamul loogu dhiso shirka maamul u samaynta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isagu horrey u sheegay  in shirka Baydhabo lagu dhiso maamul ka kooban saddex gobol, isagoo xusay inay muhiim tahay  in laga tanaasulo hamiga ah in lix gobol maamul laga yagleelo.

Waxaana kulnakaan uu ku soo aadaya xilli Xildhibaanada baarlamanka dowladda faderaalka Soomaaliya ee gobollada Baay iyo bakool,ay isku maan dhafsanyihiin  fikrada ah in maamulka laga dhiso saddex gobol iyo in laga yagleelo lix gobol.

Xildhibaanada ka tirsan baarlmaanka xilligaan ee Soomaaliya ee sida weyn u uhu ol oleynaya  in maamulka laga dhisayo gobollada uu noqdo saddex gobolka,waxaa hor boodaya guddoomiyihii horre ee baarlmaanka Soomaaliya Shariif Xasan sheikh Aadan .

Waxaana uu sheegay Shariif Xassan,in laga tanaasulay qorshihii ahaa in lix gobol maamul loo sameeyo, shariifka ayaa tilmaamay in fikirkaas laga noqday,xildhibaanku waxaa uu mudo u ololaynayey in shirka la baajiyo ama laga noqdo fikrada ah dhismaha maamul lix gobol ka kooban.

 

Xigasho RaxanReeb