Banaadir:Maxkamada Gobolka oo xukun ku riday Mas’uuliyiin loo heystay dacwad Musuqmaasuq

0
311

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gebagabeysay dacwad loo haystay howlwadeeno ka tirsanaa Waaxda canshuuraha ee Dekeda Muqdisho iyo Mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Gargaarka, kuwaasoo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Mas’uuliyiintaan lagu soo eedeeyay inay lunsadeen hanti dowladeed ayaa waxaa ka mid ahaa Maamulihii hore ee  Furdada Xamar Axmed C/llaahi Samow iyo xubno kale oo la shaqeynayey.

Axmed Cabdulaahi Samow iyo howlwadeenada kale ee la shaqeynayay ayaa lagu xukumay min saddex sano oo xabsi ah, halka labo kale ay Maxkamadda sii deysay, taasoo mid ka mid ah ay aheyd haweeney kuxigeen ka aheyd Waaxda Canshuuraha Dekeda Muqdisho.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa min saddex sano iyo saddex bilood oo xabsi ah ku xukuntay agaasime waaxeedkii Wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka Daahir Maamed Nuur iyo nin kale oo lagu magacaabo Mohamed Cumar.

Waa markii u horeysay ee Maxkamadda Gobolka Banaadir ay xukuno ku rido mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo lagu soo eedeeyay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.