Mas’uuliyiinta sar sare ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta shaaca ka qaaday in Kulamadda ay isugu imaanayaan Mudanayaasha Baarlamaanka uusan ka mid ahaan doonin ka hadalka Mooshinka laga keenay Shirkii Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland ku dhex maray Magaaladda Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.
Gudoonka Baarlamaanka waxa uu sidoo kale sheegay in aysan dhici doonin in lahor keeno Baarlamaanka mooshin ku aadan Maamulka Somaliland, waxayna sheegen in Arrintaasi ay ula gun leeyihiin in la tixraaco Qodobadii ka soo baxay Shirka Ankara isla markaana looga fogaado dhibaatooyinka ka imaankara Mooshinka.
Dhanka kale, Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia oo Arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka shanqariyay in Guddoonka Baarlamaanka uusan aqbali doonin Mooshinka laga soo diyaariyay Shirka Ankara waxa uuna yiri isaga oo Arrintaasi ka hadlaya “Mudanayaal nagama sugeysaan in mowshinkii laga keenay Heshiiskii dowalda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland in halkaan looga doodo. Wixii qaldan gudoonka baarlamaanka ayaa saxeya adinkuna waxaa mas’uul idinka saaran inad la soo baxdaan qodobo iyo mooshin aan aheyn kan iminka aad keenteen” sidaa ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Gudoonka Baarlamaanka Somalia ayaa waxa uu imaanaya xilli dhawaan uu Cali Khaliif Galeyr Baarlamaanka horkeenay Mooshin laga soo sameeyay Qodobadii ka soo baxay Wada xaajoodkii Dowladda Somalia iyo Maamulka Somaliland ee Magaaladda Ankara kaasoo uu Guddoonka Baarlamaanka u arkay in aan laga sheekeyn xilligaani.
Idale News Muqdisho