Awoodda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya & Weerarada Al shabaab

0
184

Muqdisho (INO) — Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaamay Shaqada Hay’adda Sirdoonka dalka mid aad u liidata, oo aan awood u laheyn inay hesho Macluumaadka Al shabaab.

Teaser Image Warbixin: Awoodda Sirdoonka Dowladda Soomaaliya & Weerarada Al shabaab

“Al shabaab Maalin cad ayay Muqdisho Qofkii ay doonaan ku dilaan, kuna weeraraan Mas’uuliyiinta sare Xaruumahooda, taasina waxaa sabab u ah Habacsanaan ka jirto Sirdoonka Dowladda iyo hay’adaha amniga Dowladda,” ayuu yiri Ilka-Xanaf.

Wuxuu sheegay in Madaxda Hay’adaha Amniga dalka uu baahan yihiin in dib u habeyn lagu sameeyo, oo Dad karti u leh arrimaha amaanka loo magacaabo, maadaama kuwii hore ay fashilmeen.

“Wax Suurtagal ah ma ahan in iyadoo Wadooyin Muqdisho xiran yihiin, Ciidan badan la dhoobay haddana ay Qaraxyo ka dhacaan Hoteelo ama xaruumo Madaxda ugu sareysa dalka, oo kadibna aan jawaab fiican laga bixin waxa arintaasi keenay horeyna looga socda,” ayuu raaciyay hadalkiisa Ilka Xanaf.

Dowladda Madaxdeeda ayuu ugu baaqay in Dhaqaalo badan lagu bixiyo Arrimaha Sirdoonka, si looga hortago oo meeshooda lagu fashiliyo Weerarada Al shabaab soo maleegayaan ee Dadka iyo Mas’uuliyiinta lagu laynayo Maalinkasta.

Ilka-xanaf ayaa tilmaamay in Al shabaab ay si aad ah ugu dhex-milmeen Hay’adaha Amaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, taasi oo keenaysa inay helaan Xogaha muhiimka u ah  bartilmaameedkooda.

“Al shabaab waxay eegtaan Xildhibaan dayacan, Hoteel amnigiisa jilicsan yahay iyo Xaruumo Dowladeed oo dagan, waxayna markaasi adeegsadaan Xubno ugu jira Hay’adaha Amaanka oo u sahlaya meelaha ay weerarayaan,” ayuu sheegay Gudoomiye Ceydiid Ilka-xanaf.

Si kastaba, waxaa xusida mudan in Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugida (NISA) ay tahay Hay’adda uu ka dhaco Isbedellada ugu badan, ee lagu sameeyo Madaxdeeda, walina waxaana muuqan waxqabad dhab ah oo Shacabka ay ku diirsadaan.

Idale News Online , Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here