Askari ka tirsan dowlada oo ku diley nin rayid ah magaalada Jowhar

0
177

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada milatariga uu nin dhalinyaro ah ku diley suuqa weyn ee magaalada Jowhar.

Askarigan dilka geystay ayaa la sheegay in uu si ula kac ah u diley ninkan rayidka ah oo ka mid ahaa tagaasileyda degmada Jowhar.

Lama oga sababta keentay in askarigan uu dilka u geysto ninkan dhalinyarada ah oo magaciisa lagu sheegay Xumow oo la geeyay dhaawaciisa isbitaalka magaalada Jowhar kadibna halkaa ku geeriyooday.

Askariga geystay dilka ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka ee magaalada Jowhar ku sugan.

Dilka askarigan u geystey ninkan rayidka ah ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay ciidamada milatariga u geystaan dadka shacabka ah ee ku sugan magaalada Jowhar.

Inkastoo uu amaanka magaalada Jowhar uu yahay mid aad u wanaagsan ayaa hase ahaatee waxaa laga soo sheegayaa in ciidamada milatariga ay gacmogacmeystaan dadka rayidka ah gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Idale News Muqdisho