Askar dhac u geysanayay dad Shacab ah oo Xalay lagu toogtay Afgooye

0
208

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegayaan in la toogtay Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya, xilli ay dhacayeen Dad Shacab ah oo ku sugan halkaasi.

Ilaa Afar Askari oo dad shacab ah ku baaraneysaa Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye ayaa waxaa ku soo baxay Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda, kuwaasoo isla markii toogtay Saddex ka mid ah Askartii dhaca geysaneysay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Askarigii Afaraad uu goobta ka baxsaday isagoo Nabad qaba, waxaana meesha loogu tagay Meydka Saddex Askari ee la dilay oo qoryaha ay horay uga sii qaateen Ciidamada kale ee dilay.

Ilaa hadda ma cada Raga dilay Ciidamadan ka tirsan Dowlada Somaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ragga toogtay ay ku labisnaayeen dharka Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliya.

Maamulka Degmada Afgooye oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay arrintaas ayaa ka gaabsaday, waxaana arrintan ay noqotay mid ay aad u hadal hayaan Shacabka ku dhaqan Degmadaasi, kuwaasoo soo dhaweeyay Askarta Tuugada ah ee la toogtay.

Idale News Muqdisho