Aritz Aduriz Oo Ka Caawiyay Xulka Spain Inay Barbaro Ku Qabtaan Xulka Talyaaniga. (Daawo Goolasha)

0
533

Kulankiisii ugu horeysay ee xulka Spain ee muddo lix sannadood ah xiddiga Athletic Bilbao Aritz Aduriz ayaa waxaa soo martay ciyaar uu xusuusan doono isagoo kansalay goolkii Lorenzo Insigne iyadoo xulalka Talyaaniga iyo Spain ay ku kala baxeen barbaro.

Aritz Aduriz ayaa ku riyaaqay soo laabasho riyo ah oo xulka Spain ah iyadoo goolkiisa ay ka caawisay xulka La Roja inay barbaro 1-1 ku qabteen xulka Talyaaniga kulan saaxiibtinimo oo caawa dhexmaray labada xul.

Lorenzo Insigne ayaa hogaanka u dhiibay xulka Azzurri kulankii Udine ka dhacay, isagoo shabaqa ku hubsaday karoos uu soo dhigay Emanuele Giaccherini.

2903062_heroa

Laakiin xiddiga Athletic Bilbao ayaa barbareeyay ciyaarta markii Gianluigi Buffon uu soo tufay kubad madax aheyd oo ka timid Alvaro Morata.

Aritz Aduriz ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Spain u saftay 2010 isagoo 29 sanno jir ah, waxaana uu gooldhaliyay kulankiisii labaad ee xulka oo uu saftay 2016 isagoo 35 sanno jir ah, lix sannadood ka dib kulankiisii ugu horeysay.

Dhanka kale xulka Scotland ayaa 1-0 kaga badiyay xulka Czech iyagoo uga mahadcelinaya gool uu dhaliyay Anya. Xulalka kale ee Wales iyo Nothern Ireland ayaa iyagana kulan saaxiibtinimo ciyaaray waxaana ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah. Halkaan laacibtv.net ka daawo goolasha