Aqoon yahan si  weyn looga garanayo Soomaaliya Eng. Saalax Sheekh Cismaan iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo Janaay.

Aqoonyahan Eng.Salaax Sheekh Cismaan ayaa waxa Goorka caalamiga ah ee Shaati-Aiport kusoo dhaweeyey malaaqyo, iyo ururada bulshada ee Baydhaba. markuu gaaray Baydhaba ayaa waxaa loo galbiyay Hoolka ADC oo ka socda Shirweynaha Dowlad Goboleed u sameynta Lixda Gobo lee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Eng. salah oo hadley ayaa si weyn u weerarey kuwo doonayo inay kala furfuraan dad weynaha koonfur galbeed soomaaliya, sidoo kale waxa uu tilmaamey in la joogo xiligii cadaalada iyo Hormarka.

Eng salah sheekh cismaan ayaa inta badan waxa uu u dhaqdhaqaa xaquuqul insaanka, asigoo door weyn ka qaatey soo shaaca bixinta siyaasada dad weynaha koonfur galbeed soomaaliya.

labo bil ka hor ayey ahayd ka dib markii  Eng. salah  uu la kulmey madaxda dalka taliyaaniga iyo hay’adaho caalami ah kuwaaso kala soo hadley arimo khuseeya danaha dad weynaha labada webi ee koonfur gabeed soomaaliya.

ugu dambeynti  imaanshaha Eng. salah shekh cismaan  Ee Baydhabo ayaa ku soo beegmaya xilli shirka baydhabo uu marahayo meel xasaasi ah.

 

salah

 

Idale News Online Baydhaba.