AMISOM oo ceyb & Fadeexad dhexda ka fadhiisisay Dowlada Somalia

0
540

Muqdisho (INO)-War kasoo baxay Taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay Dagaalyahaano farabadan balse aysan waxba ka jirin tirada ay sheegtay Dowlada Somalia.

Taliska AMISOM waxa uu sheegay in 110 maleeshiyada al-Shabaab ah ay dagaalkaasi ku dishay, halka dowladda Soomaaliya ay sheegtay in 240 al-Shabaab ah la dilay. Laakiin maleeshiyada al-Shabaab ayaa dhinaceeda sheegatay inay dagaalkaasi ku dishay 60 askarta Ethiopia ah.

Taliska AMISOM waxa uu sheegay inaanu waxba ka ogeyn halka ay Dowlada Somalia kala imaaday tirada dheeriga ah oo ay sheegtay in Al-shabaab laga dilay.

Taliska waxa uu intaa ku daray in maleeshiyada Al-shabaab ay ka dileen tirro ahaan ay gaarayaan 110, wax intaa ka badana aysan arag.

Ma jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta sheegashada dhinacyada kala duwan ee soo saaray wararka is khilaafsan.

Idale News Online, Muqdisho