Al-shabaab oo isku dayaysa inay ka hor-tagto in Kooxda ISIS ay soo gasho Gobolka Bariga Afrika

0
186

Baydhabo(INO) — Al-shabaab-ta ee Somalia ayaa ka hor-tagaysa in kooxda ISIS ama Daacish ay xarun ku yeelato Somalia, iyadoo ay saraakiisha Al-shabaab ay doonayaan inay daacad u ahaadaan Al-Qaacida, sida lagu qoray warbixin ay daabacday BBC-da qaybteeda Ingiriiska.

Kooxda ISIS ayaa waxay ku guuleysatay bishii Maarso ee Sannadkan inay Boko Haram oo ka dagaalanta dalka ugu dadka badan Afrika ee Nigeria ay dhankooda kusoo biirto, kuwaas oo iyaguna sheegay inay daacad u yihiin kooxda Daacish.

Gobolka Bariga Afrika oo taariikh dheer ku leh dhaqdhaqaayada Islaamiga ah ayaa keentay in Al-shabaab ay diidaan inay ku biirto ISIS, iyagoo go’aansaday inay weli shabakadda Al-Qaacida kasii mid ahaadaan.

Sidoo kale, waxaa haatan kooxda ka dhex-jira muran ku saabsan in ISIS lagu biro iyo inaan lagu biirin, iyadoo xoogag ka tirasn Al-shabaab oo ka howla buuraha Galgala ee Puntland ay dhawaan shaaciyeen inay ku biireen Daacish ama ISIS.

Bishii lasoo dhaafay ee Oktoobar ayuu Sheekh C/qaadir Muumin oo hoggaamiye xushmad leh ka ahaa Al-shabaab, isla markaana caan ku ahaa in Al-shabaab loo qoro dhallinyarada u dagaalanta ayaa shaaciyay in xoogaga Al-shabaab ee ka dagaallama buuraha Galgala ee ku yaalla Puntland ay wixii hadda ka dambeeya daacad u yihiin ISIS oo ka dagaallanta Ciraaq iyo Suuriya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 300 oo dagaalyahan oo daacad u ah Sh. C/qaadir Muumin ay go’aansadeen inay u wareegeen kooxda ISIS, kuwasoo noqonaya kooxdii ugu horreysay oo Islaamiyiinta Bariga Afrika ah oo daacad u noqda IS.

Al-shabaab ayaa Sannadihii dambe Weerarro kala duwan ka waday Waddamada ku yaalla Bariga Afrika oo ay Soomaaliya iyo Kenya ka mid yihiin; iyagoo bishii Abriil ee sanadkan weeraray Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo ay ku dileen ku dhawaad 150-ruux oo u badanaa ardaydii jaamacadda wax-ka-barayay . Sidoo kalena waxay weerareen Westgate Mall oo ah suuq ku yaalla Nairobi, halkaasoo ay ku dileen 67-qof – September ee Sannadkii 2013-kii.

Dhanka kale, kooxda ISIS ayaa billaabay inay cajalado dacaayado ah baahiyaan, kuwaasoo ay uga dalbanaysay Al-shabaab inay kusoo biiraan Safafkooda, si ay u xoojiyaan Dagaalka ay ka wadaan Caalamka; balse arrintan ayaa waxay u muuqataa in hoggaamiyeyaasha Al-shabaab aysan soo jiidan.

Al-shabaab ayaa mamnuucday warbixinnada ku saabsan in kooxda Daacish/ISIS lagu biiro in laga sheego deegaannada ay Somalia ka maamusho, hadalkaas oo sabab u noqday in ay isku-dhacyo meelaha qaarkood ku dhexmaraan xoogagga Al-shabaab ee taabacsan fikirka ah in lagu biro kooxda Daacish iyo kuwa kasoo horjeeda.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa horay u sheegay inay gacmaha ka qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso safka mujaahidiinta oo uu Al-shabaab ula jeedo, inkastoo aysan jirin cid uu magac-dhabay.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dhawaan in kala-qaysanaanta dhanka fikirka ah ee soo dhex-galay Xarakada Al-shabaab ay wiiqayso awoodda kooxda Al-shabaab oo horay looga saaray deegaanno badan oo ay ka talinaysay.

Idale News Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here