Al-shabaab Oo Arrin Halis Ah Ka Dhex Billowday muslimiinta Iyo Kirishtanka Gaarisa Kadib Markii

0
227

Garisa(INO)-Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa dilay 148 arday oo aan islaam aheyn oo ku sugnaa magaalada ku taala waqooyiga dalka Kenya ee Gaarisa, bishii lasoo dhaafay, Wariye Jamaal Cismaan ayaa raadiyay kororka tirada dadka aan muslimka aheyn ee iminka bilaabay iney ka cararaan bulshada.

Ardayda ayaa weerarka la kulmay aroor hore xili ay doonayeen iney ka toosaan hurdada, afar ruux oo Alshabaab ka tirsan qoryana watay ayaa weeraray dhismaha jaamacada, iyaga oo u kala saaray dad muslimiin ah iyo kuwa aan muslimiinta iyagoo halkaasi ku dilay 148 ruux.

Alshabaab, oo Al-qaacida xiriir la leh kana dagaalama bariga Africa, ayaanan ka xumaan bartilmaameydsiga ardayda, Afhayeenka Alshabaab Sheikh Cali Dheere ayaa u sheegay TV-ga Chanal 4 News “Waxay ahaayeen gaalo kuwaasi oo noqon lahaa saraakiisha meletiriga mustaqbalka, booliska, maamulayaasha iyo xubnaha baarlamaanka”.

Alshabaab ayaa Kenya ka dalbaday ciidamadooda iney isaga baxaan dalka Soomaaliya muddo seddex sano ka hor ah, kooxda gaalada Kenya waxay doonayaan iney isaga tagaan Gaarisa.

“Waxaan leenahay waa iney isaga baxaan dhamaan dhulka Muslimiinta, ma dooneyno in meel kamid ah dhulka islaamka ay joogaan, dilkana wuu sii socon doonaan ilaa intey ka laabanayaan”.ayuu yiri Cali Dheere.

Ruuxii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Kenya Dulyadeyn oo ka tagay magaalada Gaarisa asal ahaan ayaa waxaa la dul dhigay dhaqaalo badan 150,000 oo Pound.

Dulyadeyn wuxuu ahaa madaxa goob Madrassa ah ka hor inta uusan ku biirin Alshabaab kaasi oo abaabulay inuu la hadlay mid kamid ah ardaydiisii hore, kaasi oo aan dooneyn in magaciisa aan shaacino.

“Intii uu I waxbarayay waxyaabahaas kama aanan maqli jirin, laakiin marka masaajidka lagu jiro wuxuu jeclaa inuu ka hadlo arimaha jihaadka”sidaasi waxaa yiri arday uu Dulyadeyn macalin u ahaa.

Dulyadeyn, waa muwaadin Kenyan ah, wuxuuna doonayaa inuu burburiyo dalka Kenya, waxayna Alshabaab go’aansadeen iney weeraro xoogan ka geystaan Kenya, sidaasi waxaa sheegey siyaasiyiin Kenyan ah.

Waxyaabaha keenaya in Alshabaab ay heleen dagaalyahano Kenyan ah ayaa loo sababeeyay kala qeybsanaan siyaasiyiinta iyo dadka oo aan heysan diin isku mid ah.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here