Dhoobley (INO) — Waxaa lagu qabtay Xadka u dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay Rag Ajaaniib ah oo doonaysay inay ku biiraan Kooxda Al shabaab.
Col. Heybe Axmed C/llaahi, oo ah Taliyaha Maleeshiyada Axmed Madoobe ee Degmada Dhoobley ayaa sheegay inay qabteen 4 Nin oo u kala dhashay Kenya iyo Tanzania kuwaasi oo hadda lagu hayo Saldhiga Degmada Dhoobley.
“Waxaa qabanay 4 Nin oo Labo kamid ah ay u dhasheen Tanzania iyo 2 Kenyan ah xilli ay kasoo gudbeen Xadka oo Gudaha usoo galeen Soomaaliya si ay Al shabaab ugu biiraan, waxaana hadda kau samaynaynaa Baaritaano,” ayuu yiri Col Heybe.
Wuxuu sheegay in Raga ay qabteen ay wateen Warqado muujinaya Goobaha ay kusii jeedeen ee Al shabaab ay degan yihiin sida Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale ee Jubbada Dhexe.
Idale News Online -Muqdisho